Ra’isul Wasaare Kheyre oo amar cusub siiyay Guddiga ka hortagga COVID-19

Ra’iisul Wasaara Xukuumadda  Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gudoomiyay shirka ay isugu yimaadaan guddiga kahor taga iyo xakameynta Caabuqa Caronavirus.

Kulanka Guddiga ku yeesheen dhinaca internetka ayaa diirada lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurka Caronavirus iyo sidoo kale saameynta ka dhalatay fatahaadyada wabiyada ka sameeyeen qaar kamid ah gobolada dalka.

Xasan Cali  Kheyre ayaa Xubnaha Guddiga oo u badan Golihiisa Wasiirada  ayaa ku amray in la isku dhinac wado dadaallada xakameynta faafitaanka COVID-19 iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabiyada iyo roobabka.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku mashquulsan sidii loo xakameyn lahaa cudurka Caronavirus ee kusii faafaya Soomaaliya iyo sidoo kale fataahyada ay sameeyeen qaar kamid ah wabiyada oo saameyn ku yeeshay deegaano badan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -