Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo shaaciyay sida uu u arkay in Kim jogn Un mar kale fagaare kasoo muuqdo

Warbaahinta caalamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad u hadal hayay xaalada hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim jong Un oo xaalad caafimaad daro lasoo daristay sidoo kale la sheegay in lagu sameeyay qaliin dhinaca Wadnaha.

Hogaamiyaha kuuriyada Waqooyiga oo sidoo kale shaki la galinayay noloshiisa ayaa maalin kahor kasoo muuqday fagaare isaga oo xariga ka jarayay Warshad weyn, waxa ayna soo muuqashadiisa meesha ka saartay hadal heyntii ka dhalatay xaaladiisa.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay Twitterka ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in Kim Jong-un uu mar kale fagaarayaasha ka soo muuqda isaga oo caafimaad qaba.

“Waa ku faraxsanahay in uu dib u soo laabt isaga oo wanaagsan!” ayuu bartiisa Twitterka kusoo qoray Madaxweynaha Mareykanka donald Trump oo mudooyinkii dambe xiriir la lahaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Mareykanka donald Trump iyo Hogaamiyaha kuuriyada Waqooyi ayaa dhoor mar kulan waji ka waji ah isugu yimid , waxa ayna kawada hadleen xiisada labada dal inkastoo aysan guulo kusoo dhamaan wadahadaladooda.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirka Golaha Wasiiradda oo looga hadlay ciidanka la geeyay Raaskanbooni iyo …

Cabdi Cade

Dad Shacab ah oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Kaamjaroon iyo Xildhibaan ka hadlay

Cabdi Cade

Dalal ay ku jirto Kenya oo laga helay kiisas cusub oo la xiriira Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---