Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada oo laga helay Cudurka Covid-19

Cudurka Caronavirus ayaa kusii faafaya daafaha Dunida, waxaana cudurkan ku dhacayaa dad badan oo isugu jira Madax, dad caan ah iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshooyinka dunida kunool.

Ra’iisul wasaaraha dalka Guinea Bissau, Nuno Gomes Nabiam ayaa la xaqiijiyay in laga helay cudurka Caronavirus , waxaa sidoo kale cudurkaasi laga helay sadex kamid ah golaha Wasiirada Xukuumada Guinea Bissau.

Nuno Gomes Nabiam oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubno ka tirsan guddi wasiiro ah oo katirsan Xukuumada Guinea Bissau loo xilsaaray dadaallada looga hortaggayo cudurkan ku faafaya dalkaasi.

Dalka Guinea Bissau ee kuyaala Qaarada Afrika ayaa waxaa xiligan heesta adeeg xumo caafimaad , waxaa sidoo kale dalkaasi ka jira maamul xumo iyo dhaqaalo la’aan baahsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Asad Diyaano oo la kulmay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin reer Puntland ah

Cabdi Cade

Dab dhimasho & dhaawac geystay oo baabi’iyey dukaan ku yaalla Garoowe (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---