Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dab dhimasho & dhaawac geystay oo baabi’iyey dukaan ku yaalla Garoowe (Daawo Sawirro)

Dab ka dhashay haanta keydisa gaaska cuntada lagu karsado ayaa maanta qabsaday goob ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Goob joogayaal ku sugan Garoowe ayaa sheegay in haantu qaraxday kadib markii ay haleeshay xabad uu riday askari ka tirsan ciidamada Puntland  oo qof shacab eryanayey.

Qofka la eryanayey wuxuu ku soo cararay oo uu soo galay goobta ganacsiga, askarigii daba joogay ayaana xabad ku soo riday, waxayna rasaastu qabsatay haanta gaaska oo markiiba qaraxday kaasoo sababay in halkaas uu dab ka kaco.

Ugu yaraan hal qof oo rag ahaa ayaa ku dhintay dabkaas halka labo haween ahna ay ku dhaawacmeen kuwaasoo haatan lagu daweynayo isbitaalka Garoowe.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliska askarigii falka geystay oogoobta ka baxsaday, ayaa gacanta lagu soo dhigay, wuxuuna haatan ku xiran yahay saldhiga dhexe ee Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sii hayaha RW oo amar culus siiyey laamaha amaanka ka dib weerarkii Hotel Elite

Caydiid Ali

Shan kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo xilka laga qaadayo

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ka hadlay khilaafka madaxda dowlada & dowlad goboleedyada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---