Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee Maaliyada G/Banaadir oo xilka la wareegay (Sawirro)

Munaasabad kooban oo lagu qabtay aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa  maanta xilka ku kula wareegay Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iiman iyo Guddoomiye ku xigeenkii hore Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir  ayaa ka qeyb galay munaasabda xil-wareejinta.

Cumar Filish oo ka hadlay munaasabadan ayaa Ibraahim Dheere uga mahad celiyey waxqabadkiisii mudadii uu xilka hayey, isagoo dhinaca kale gudoomiye ku-xigeenka cusub Axmed Xasan Iiman kula dardaarmay inuu la yimaado waxqabad wanaagsan, waajibaadkiisa shaqona u guto si hufan.

Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmo  u magacaabay  Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iiman ka dib wareegto xilka looga qaaday  gudoomiyihi hore Ibaarim dheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Garoonka dayuuradaha Addis Ababa oo la xiray iyo sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Xisbullaah oo xaalku ku xun yahay in marinkii saadka usoo mari jiray oo xirmay

Cabdi Cade

Qaybta 2 aad :-Xal ma Leeyahay Khilaafka Dowladda Federaalka & Dowlad-goboleedyada Qore:- Mohamed Abdi Adan -Xoosh

admin
Taboola Ads ---