Garoonka dayuuradaha Addis Ababa oo la xiray iyo sababta ka dambeysa (Sawirro)

Hawlaha garoonka dayuuradaha ee magaalada Addis Ababa ee Bole International Airport ayaa muddo kooban la hakiyey.

Sababta ayaa lagu sheegay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay habeennimadii Axaddii iyo ceeryaamo badan oo ku giblan magaalada, taasina ay keentay in dhammaan duulimaadyadii ku soo fool lahaa oo dhan laga weeciyo garoonka Bole.

Diyaaradaha ku jiray duulimaadyada caalamiga ah ee ku degi lahaa ayaa loo weeciyey garoomada caasimadaha dalalka deriska ah sida Djibouti iyo Khartoum.

Warbixin ay soo saartay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa lagu sheegay in dhamaan duulimaadyadii maanta ku degi lahaa Addis Ababa loo weeciyey madaarrada dalalka deriska ah.

talaabadan ayay dadka qaar markii la shaaciyey u qaatay iney wax kale dhaceen maadaama woqooyiga dalkaas au ka socdaan dagaal u dhexeeya dawladda iyo ciidamada Tigray.

Shirkadda dayuuraduhu waxay ka raali gelisay macaamiisheeda wixii dhibaato ah ee ka soo gaara talaabadan ay qaaday.

Dhinaca kale, daruuro wata ceeryaamo, roob aan badnayn, dabayl qabaw oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray qeybo ka mid ah Dowlad degaanka Soomaalida ayey saadaasha hawadu sheegaysaa in toddobaadkan ay ka sii dari doonaan

Cimilada sii xumaanaysa iyo bad-weynta Hindiya oo roobabku kor u kaceen ayaa sababtay in qeybo ka mid ah wadammada Afrika si weyn isu badasho hawadu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -