(Sawirro) Mid ka mid ah jilayaasha ugu caansan aflaamta Hindiga oo geeriyooday

Jilaaga ka tirsan shirkadda filimada Bollywood Irrfan Khan, ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala waqooyiga magaalada Mumbai

Mr. Khan ayaa 53 sano jir, ku geeriyooday, isagoo u dhintay cudur lagu sheegay (Colon infection) ama caabuq kaga dhacay caloosha.

Sanadkii 2018-kii, jilaaga ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in laga helay cudurka halista ah ee kansarka, waxaana lagu daaweynayay isbitaal ku yaala magaalada London.

Laba bilood kaddib markii uu xanuunkiisa shaaciyey, wuxuu wax ka qoray saamaynta iyo dhibaatadii uu ka wajahay la dagaalanka cudurka kansarka oo markii dambe laga daweeyey, isagoo ka dib sameeyey dhowr filim.

Geerida Irfan Khan ayaa la sheegay iney ku soo beegantay xili afar maalmood ka hor ay geeriyootay hooyadiis sida ay qorayaan wargeysyada ka soo baxa dalka India.

Jilaagan oo heystay diinta Islaamka ayaa sameeyey aflaam boqolaal ka badan oo uu doorar kala duwan ku lahaa, waxaana ka mid ah kuwa ugu caansan ee lagu xusuusto Angrezi, Hindi medium, Maqbuul, Slumdog Millionaire iyo qaar kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -