Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo dalacsiiyey ciidamo ka qeyb qaatay gurmadka daadadkii Qardho (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho ayaa maanta kormeeray Xarunta Tababarada Ciidamada ee Xorgoble.

Madaxweyne Deni ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta oo tabar uga socdo xerada xorgoble, wuxuuna ka dib warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidamada iyo Masuuliyiinta Xarunta.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorkii Ciidamadu ka qaateen badbaadinta Shacabka markii xili habeen ah biyo kusoo rogmadeen Qardho, wuxuuna Madaxweynuhu hal darajo dalacsiiyey dhammaan ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkaasi lagu badbaadinayey Shacabka ay daadadku kusoo fatahmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynihii hore ee Somalia oo Nairobi kula kulmay Wasiiro & xildhibaano ka tirsan dowlada (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Al-Shabaab oo soo bandhigtay dayuurad ku dhacday degaanka..

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo xafiis ka furaneysa Magaalo ku taalla gobolada dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---