Askarigii ugu horeeyey ee ka tirsan ciidanka AMISOM oo laga helay COVID-19

Askari ka tirsan ciidamada AMISOM oo u dhashay dalka Uganda, kana howlgala Soomaaliya ayaa la sheegay in laga helay xanuunka COVID-19 oo haatan dhibaatooyin xoogan ku haya caalamka.

Askariga laga helay cudurka Coronavirus ayaa ka howgeli jiray Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan AMISOM, iyadoo laga cabsi qabo inuu halkaasi ka qaaday cudurka.

Wararka ayaa sheegaya Askarigan u dhashay dalka Uganda ee ku sugnaa Muqdisho aanu ka bixin Soomaaliya mudo lix bilood ah, Waana askarigii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidamada AMISOM ee laga helo cudurka Coronavirus.

Taliska AMISOM ayaa la sheegay inay qaaday tallaabooyin caafimaad oo laga dhaqan geliyey xarunta hawlgalka AMISOM iyo xarumaha kale ee ciidamada oo ay ka mid yihiin wacyi-gelin ku saabsan qaabka looga hortago cudurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -