Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ku dhowaad 30 qof oo ku dhimatay musiibo ku dhufatay Mississippi (Sawirro)

Ilaa  23 qof, ayaa ku dhintay, afar kalena waa la la’yahay kadib markii duufaan wadatay roobab iyo dabeyl xoogan ay ku dhufatay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka habeenkii Jimcaha, dhaawaca tobanaan kale ayaa la geeyeyt goobaha Caafimaadka.

Dad badan ayaa loo maleynayaa inay ku hoos jiraan burburka dhismayaal soo dumay

Duufaanadan ayaa burbur xooggan ka geystay dhowr magaalo oo miyi ah, halkaasi oo ay waxyeelo ay gaartey dhirtii iyo xargaha korontada, waxaana la soo sheegayaa in tobanaan kun oo qoys ay korontadu ay go’day.

Dhawr gobol oo kale oo dhaca koonfurta, ayaa sidoo kale waxaa laga yaabaa inay saameyso duufaano xoog badan.

Roobab baaxad leh oo xooggan, ayaa laga soo sheegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka.

Dadka deggan Rolling Fork, oo ah magaalo yar oo ku taalla galbeedka Mississippi, ayaa sheegay in duufaantu ay daaqadaha kasoo gashay gadaasha guryahooda. Khasaaraha ka dhashay deegaanka, ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u daran yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo beeniyey warar ay baahisay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay go’aan ay horey uga qaadatay Puntland

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo balanqaad taageero ah ka helay danjire Sebastian Groth

Caydiid Ali