Mid ka mid ah Gudoomiye ku-xigeenada cusub ee G/Banaadir oo xilka la wareegay (Sawirro)

Guddoomiye Ku-xigeenka cusub ee Hawlaha Guud Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi ayaa xilka kala wareegay Guddoomiye ku-xigeenkii hore Aadan Shiikh Cali Fiidow.

Munaasabada xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.

Gudoomiye ku-xigeenkii dhinaca Maaliyada maamulka Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadalle oo ka mid ah labada masuul ee xilka laga qaaday ayaa isna la filayaa inuu dhowaan xilka wareejiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -