Dowlada India oo burburisay Masaajid caan ah iyo caro ka dhalatay (Sawirro)

Dowlada India ayaa burburisay Masaajidka Bilaal Haryana ee ku yillay xaafadda Aravalli ee magaalada Faridabad, waxaana talaabadaas ka dhashay caro xoogan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa burburka Masaajidka Bilaal” loo geystay waxay ku tilmaantay xadgudub loo geystay xuquuqda aadanaha dadka laga tirada badan yahay gaar ahaan muslimiinta.

Aafhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan Asim Iftikhar Ahmed bartiisa Twitter-ka wuxuu ku soo qoray ” Pakistan iney si kulul u cambaareyneyso burburinta uu maamulka Hindiya ee Haryaana uu u geystay masaajidka Bilaal.”

Dowladda hoose ee magaalada Fariddbad ayaa sheegtay iney masaajidka ku dumiyeen amar maxkamadda sare ka soo baxay, masaajidka keliyana aysan dumine ay sidoo kale dumiyeen gooba kale oo ay ku cibaadeystaan dadka aaminsan diimaha kale.

“Arrintan haba yaraatee diin wax xiriir ah lama laha mana ah in lala xiriiriyo waxaana taa caddeyn ugu filan waxaa la dumiyey macbadyo kala duwan oo ay diimo kala duwan leeyihiin waxa loo dumiyeyna waxay tahay dhismayaashaasi oo goobo sharci darra ah ku yaallay tallaabbo sharci ahna laga qaaday” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowlada hoose ee magaalada Fariddbad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -