Ciyaaryahan Soomaaliya caan ka ahaa oo u geeriyooday Cudurka Covid-19

Waxaa xalay magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ku geeriyooday Ciyaaryahankii hore ee Kubadda Koleyga Soomaaliya Baana Cabdalla Cali oo maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanayay cudurka Covid-19.

Ciyaaryahankan ayaa ku geeriyooday isbitaal kuyaala magaalada London oo mudo ku dhaw bil ah u jiifay cudurka Caronavirus, waxaana ugu dambeyn Baana Cabdalla xalay u geeriyooday xanuunka hayay.

Baana Cabdalla ayaa katirsanaa xiriirka kubada Koleyga Soomaaliya gaar ahaan waxa uu ahaa Madaxii Suuqgeynta Xiriirka Kubadda Koleyga ee Bariga iyo Bartamaha Yurub, waxa uuna kaalin weyn ku lahaa horumarinta kubada koleyga Soomaaliya.

Masuuliyiin, ciyaartoyda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa aad uga naxay geerida ku timid  Allaha u naxariistee Baana Cabdalla, waxa ayna marxuumka ilaah uga baryeen in janadii fardowsa ka waraabiyo.

Cudurka Covid-19 ayaa dalka dibadiisa ku dilay ciyaartoy iyo siyaasiyiin caan ka ahaa Soomaaliya, waxa sidoo kale cudurkan la ildaran dad kale oo Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -