Raisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay shir looga hadlay qodobo xasaasi ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyey shirka guddiga qaran ee kahor tagga COVID-19 oo looga hadlay dardargelinta barnaamijyada wacyi-gelinta.

Barnaamijyadan ayaa la sheegay in bulshada lagu fahamsiinayo khatarta, iyo sida looga gaashaaman karo xanuunka Coronavirus, si loo yareeyo faafitaanka Cudurkan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay inay xoojiyaan howlaha ka hor tagga cudurka COVID-19, isla markaana ay fuliyaan tallaaba kasta oo ay u arkaan in looga hortegi karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta karaankeed ah la tacaaleysa cudurka  Coronavirus, iyadoo gudaha Soomaaliya laga diiwaan geliyey in ka badan 390-kii oo ah dad qaba xanuunkan dunida sida weyn ugu baahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -