Weerar dad lagu dilay oo saaka ka dhacay Boosaaso iyo faahfaahino ka soo baxaya

Askari ka tirsanaa ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa saaka waaberigii lagu dilay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney fuliyeen dilkan oo ka dhacay agagaarka boosteejada laga raaco gaadiidka u safra degmada Qardho.

Wararka ayaa sheegaya in askariga uu ku qurbaxay goobta lagu dilay, iyadoo raggii ka dambeeyeyna dilkiisana ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso oo goobta dilku ka dhacay gaaray ayaa wada howlgalo baaritaaano ah oo lagu baadi goobayo raggii dilka fuliyey oo illaa hadda aan gacanta lagu dhigin.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay dilkan haddana kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo fariisimo ku leh degaano ka tirsan gobolka Bari ayaa sheegtay dilal noocan ah iyo weeraro kale oo ka dhacay magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -