Boqor Buur-madow oo Hargeysa lagu xiray & Booliska Somaliland oo war ka soo saaray

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka qabtay garoonka dayuuradaha ee magaalada Hargeysa Boqor Cismaan Aw Max’uud buur-Madow oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada ugu magaca dheer Somaliland.

Afhayeenka Booliska Somaliland Col. Faysal Xiis Cilmi ayaa saxaafadda u sheegay in la xiray Boqorka ka dib markii uu sameeyey Qaran dumis iyo faafinta warar been abuur ah sida uu yiri.

Xiis ayaa sheegay in Buur Madow ku eedeysan yahay qodobada 212 iyo qodobka 328 ee xeerka ciqaabta Somaliland lana soo taagi doono Maxkamad.

Waxaa uu sheegay in Boqor Buur-madow oo ka soo laabtay Puntland oo uu kaga dhawaaqey intii uu halkaas joogay Qaran dumin, safarka uu Puntland ky tegayna uusan fasax u haysan.

Boqor Buur-madow oo degmada Carmo ee Gobolka Bari kaga qaybgalay caano-shubka Beeldaaje Maxamed Ismaaciil ayaa xafladaas ka soo jeediyey baaq uu u diray Somaliland iyo Puntand oo ahaa iney kala qaadaan ciidamada Tukaraq isku hor fadhiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -