Masuul ka tirsan Guddiga Xakamaynta COVID-19 aabihiis oo u geeriyooday Coronavirus

Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin oo xubin ka ah Guddiga sare ee loo xilsaaray xakamaynta xaaladaha Cudurka COVID-19 ayaa la sheegay in aabihiis uu u geeriyooday Coronavirus.

Marxuum Yuusuf Axmed Hiraabe ayaa saacadihii la soo dhaafay ee maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho ka dib markii uu haleelay Cudurka COVID-19 sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan wasaarada caafimaadka Somalia.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Somalia iyo siyaasiyiin, dhaqaatiir iyo qeybaha bulshada ayaa geerida marxuumka ka tacsiyadeeyey.

Marxuum Yuusuf Axmed Hiraabe

“ALLAHA u naxariisto Dr. Yuusuf Hiraabe oo maanta Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Coronavirus. Dr. Yuusuf wuxuu ahaa saaxiib wayn oo aan Suudaan wax ku wada baranay, Hay’atul Culiyaana ka wada shaqaynay. Wuxuu ahaa macalin daddaal badan, aqoonyahan isku kalsoon, kaftan iyo sheeko badan, xasilooni iyo xilkasnimo leh. Inkastoo uu xubin sare ka ahaa kooxda Saadicuun Bil Xaq, haddana kala duwanaanta fikir iyo faham diineed marna ma aysan calwinin saaxibtinamadeena. Sabar iyo Iimaan Allaha ka siiyo ehelkiisa, gaar ahaan wiilkiisa Dr Jalaaludiin, asxaabtiisa iyo ardaydiisa intaba” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir oo ka hadlayey shaqsiyada marxuumka geeriyooday.

Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin)

Marxuumka wiilkiisa Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin ayaa ka mid ah xubnaha ugu firfircoon guddiga sare ee Wasaarada Caafimaadka DF u qaabilsan ka hortaga iyo xakameynta cudurka Coronavirus.

Cudurkan ayaa saameyn toos ah iyo mid dadban ku yeeshay Shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka Somalia, dhowaan ayeyna aheyd markii magaalada Muqdisho uu cudurkan ugu geeriyooday marxuum Shariif Maxamed Maxamuud oo aabe u ahaa agaasimaha Isbitaalka Banaadir Fartuun Shariif Maxamed, isagoo  noqday qofkii ugu horeeyey ee cudurkan COVID-19 ugu dhintay Somalia, sidoo kale cudurka ayaa laga helay ku dhowad 10 ka mid ah shaqaalaha Wasaarada oo u badan dhaqaatiir dhalinyaro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -