Madaxweyne Qoor Qoor oo Shaaciyay in rag ajaaniib ah lagu dilay dagaalkii Baxdo

War saxaafadeed uu caawa soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayuu ku faahfaahiyay khasaaraha Al Shabaab lagu gaarsiiyay weerarkii saakay kusoo qaadeen deegaanka Baxdo ee hoostaga Cadaado.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in weerarkaasi Al Shabaab looga dilay 70 dagaalyahan ay ku jiraan saddex nin oo ajnabi ah uusan shaacin waddamada ay kasoo jeedaan.

Halkan ka akhriso war saxaafadeedka Qoor Qoor caawa soo saaray

Madaxweynaya Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku bogaadiyay maamulka, shacabka iyo culimada degmada Baxdo, ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida, sida geesinimada leh oo ay saaka iskaga difaaceen weerarkii ay argagaxisadu kusoo qaaday degmada Baxdo.

Dowladda Galmudug ayaa ku ammaantay Ciidamada qalabka sida, maamulka iyo shacabka degmada Baxdo sida feejignaanta leh oo ay uga hortageen dhagar qabayaasha oo xogtooda la sii hayay, halkaasna ay kala kulmeen dharbaaxo, kagana carareen maydad gaaraya 70 oo ay kamid yihiin sedex ajaanib ah, hub iyo saanad fara badan iyo gaari ay ku diyaariyeen walxaha qarxa oo lala damacsanaa in lagu wax yeeleeyo shacabka degmada Baxdo.

Dowladda Galmudug waxa ay xaqiijinaysaa in weerarka kadib, Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa qalabka sida ay ka howlgaleen deeganada hoos taga degmada Baxdo oo ay ku baacsadeen haraadiga kooxdii argagaxisada ahaa ee weerarka soo qaaday, iyagoona halkaas ugu dhigay cashar lama ilaawaan ah.

Dowladda Galmudug waxa ay ku tilmaamtay dagaalkii saaka lagu jabiyay kooxda argagixisada, mid taariikhi ah, ayna mudantahay in geesinimada ay muujiyeen reer Baxdo in ay kaga tusaale qaataan shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha Galmudug, waxa uu Eebbe uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay, janadii Firdowsana ka waraabiyo intii ku shahiiday dagaalkii saaka.

Dhammaad

- Advertisement -