Allbanaadir.com
NEWS

Kunteenar ay ka buuxaan Dhalooyin Khamri oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho (Sawirro)

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa dekadda magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen kunteenar ay ka buuxaan Dhalooyin khamri ah oo la doonayay in lasoo galiyo magaalada Muqdisho.

Kartoono ay ku jiraan khamrigan ayaa lagu soo qariyay kunteenaer lagu soo raray qalabka baabuurta ee loo yaqaan Spare Parts-ka, waxaana ciidamada markii ay baareen kunteenarka soo saareen khamrigan.

Taliyaha ciidanka hoggaanka ilaalinta canshuuraha Jeneraal C/laahi Bariise ayaa Warbaahinta usoo bandhigay khamriga lagu soo qariyay kunteenarka, waxa uuna sheegay in dhalooyinkan khamriga la doonayay in qaab ganacsi magaalada loo galiyo.

Waxa uu sheegay taliyaha in la baarayo dadkii ka dambeeyay in khamrigan laga soo dejiyay dekadda magaalada Muqdisho lana horgeyn doono cadaalada si loo marsiiyo dambiga loo heesto.

Dekadda magaalada Muqdisho iyo garoonka Aadan Cadde ayaa si qarsoodi ah laga soo dejiyaa khamri , waxaaba marar badan ciidamada amaanka magaalada Muqdisho ku bur buriyeen khamri magaalada lasoo galinayay.

 

Related posts

Dufcadii 3aad oo lagu soo dhoweeyey iskaashiga Jaamacadda UPEACE & Machadka SDRI (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweye Farmaajo oo ka hadlay dagaalada Magaalada Boosaaso, kuna baaqay..

Caydiid Ali

(Akhriso) Xiliga la dooranayo Fahad Yaasiin iyo Xildhibaano kale oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---