Dufcadii 3aad oo lagu soo dhoweeyey iskaashiga Jaamacadda UPEACE & Machadka SDRI (Sawirro)

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu soo dhoweynayey in ka badan 200 arday oo ah dufcadii 3aad ee iska diiwaan-gelisay barnaamijka Waxbarashada sare ee ay iska kaashanayaan Jaamacadda caalamiga ah ee University for Peace (UPEACE) oo hoos tagta Q/Midoobay iyo Machadka daraasaadka & Cilmi-Baarista Soomaaliyeed (SDRI).

Barnaamijkan ayaa loogu talo galay iney ka faa’ideystaan ardayda dhameysatay waxbarashada heerka koowaad ee Jaamacadaha dalka, iyadoo arintana ay timid ka dib markii labada dhinac ay 14kii bishii August ee sanadkii hore kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhigaya in Jaamacadda University for Peace oo kaashaneysa Machadka SDRI ay bixiso illaa 11 taqasus oo Master ah iyo labo Maado oo lagu bixinayo shahaadada sare ee Phd.

Munaasabadan ayaa sidoo kale lagu daah-furay barnaamij cusub oo ay iska kaashanayaan Machadka SDRI iyo Jaamacadda Makerere ee dalka Ugandha kaasoo u suuragelinaya ardayda Soomaaliyeed ee dhameysatay waxbarashada heerka koowaad iney helaan taqasusyo cusub oo aan dalka horey uga jirin.

Waxaa Munaasabadan ka qeyb galay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan goleyaasha dowlada Somalia, arday, Masuuliiyiin kala duwan iyo xubno kale ee munaasabadan lagu casuumay.

Dr. Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Hormuudka Daraasadka Sare ee Machadka SDRI ayaa munaasabada ka sheegay in ardayda ka baxday Jaamacadaha dalka ay heystaan fursad dahabi ah maadaama ay dalkooda xarun ku leedahay Jaamacada UPEACE oo uu xusay iney tahay jaamacad caalami ah, wuxuuna tilmaamay iney jiraan dalal Somalia ka horumarsan oo aan weli fursadan helin.

Prof. Salim Kinyiri oo ah wakiil ka socday Jaamacadda Makerere ee dalka Ugandha oo isna ka hadlay munaasabadan ayaa faahfaahin ka bixiyey taqasusyada lagu bixin doono barnaamijka iskaashiga waxbarasho ee Jaamacadiisa iyo Machadka SDRI.  Waxaana la daahfuray taqasusyada kala ah: Post-graduate Diploma and Masters on Project Planning and Management, Monitoring and Evaluation, Procruement and Chain Value management and Local Government administration.

Guddoomiyaha  Machadka SDRI Prof. C/risaaq Axmed Dalmar oo furitaankii xafladaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhoweynta dufcadii 3aad ee iska diiwaan gelisay taqasusaadka ay iska kaashanayaan SDRI iyo Jaamacadda UPEACE.

“Dedaal muddo badan socday oo ay sameysay SDRI waxaan ku guuleysanay in markii ugu horeysay aan dalka keeno Jaamacada UPEACE oo bixisa shahaado caalami ah oo ay aqoonsan yihiin dhamaan heyadaha UN-ka, si ay uga faaiideystaan ardayda dalkeena ee Jaamacadaha dhameystay, waxaana ku faraxsanahay inaan maanta soo dhoweynayo dufcadii 3aad” ayuu yiri agaasimaha oo intaas ku daray in SDRI aysan u taagneyn oo kaliya sare u qaadida waxbarashada balse ay ku howlan tahay cilmi baarisyo kala duwan oo ay ka sameyneyso xaalada dalka.

Dufcada 3aad ee soo dhoweynta loo sameynayey ayaa waxaa ka mid noqday Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya kaasoo diyaarinaya shahaadada Waxbarashada heerka 3aad ee Phd-da.

Xildhibaan Faarax C/qaadir oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka mid noqoshada ardayda dufcadda 3aad, wuxuuna u mahad celiyey Jaamacadda UPEACE iyo machadka SDRI oo suurageliyey in isagoo dalkiisa hooyo jooga uu helo waxbarasho sare.

Prof. Samuel Kale oo ah madaxa Afrika u qaabilsan Jaamacadda UPEACE oo ayaa isna xusay iney ku faraxsan yihiin in Jaamacadiisu ka howlgasho Somalia, wuxuuna xusay in Jaamacaddan ay tahay mid aqooneed oo aan wax shaqo ah ku laheyn Siyaasad iyo wixii soo raaca.

“University for Peace (UPEACE) waxaa la asaasay 5tii bishii Disembar sanadkii 1980kii ka dib go’aan  ka soo baxay Qaramada Midoobay, xarunteeda dhexe waxay ku taalla dalka Costa-rica, waxayna xarun goboleedyo iyo faracyo ku leedahay dalal badan oo ku baahsan caalamka, qeybta Afrika ee aan madaxda ka ahay xarunteeda waa Addis ababa, waajibaadka nala siiyey waxaa ka mid ah xoojinta awooda Jaamacadaha Afrika, dhinaca aqoonta, Cilmi-baarista iyo arrimaha bulshada”  ayuu yiri Prof. Samuel Kale oo intaa ku daray inuu ku faraxsan yahay iskaashiga jaamacadiisa iyo heyadda SDRI, isagoo balan-qaaday in ardayda dufcada 3aad in la siin doono aqoon tayo sare leh iyo shahaado caalami ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka dowlada Somalia C/rashiid Maxamuud Xasan oo qudhiisa ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacada UPEACE ayaa sheegay iney wax lagu farxo tahay in iyagoo qarankooda u shaqeynaya, dalkoodana jooga ay helaan waxbarasho meelo fog loo aadi jiray isagoo u mahad celiyey SDRI iyo UPEACE oo uu sheegay iney suurageliyeen fursadan qaaliga ah.

Masuuliyiinta Jaamacadda UPEACE iyo heyadda SDRI ayaa ugu dambeyn si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen qaar ka mid ah ardayda iyo aqoonyahanada ka qeyb galay Munaasabadaas oo jawi aad u wanaagsan ku soo dhamaatay.

Waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey intii ay socotay munaasabadaas Wasiirkii hore ee beeraha Somalia Cabdi Axmed Baafo, hormuudka kuliyadda culuunta Caafimaadka ee Jaamacadda Benadir Xasan Nuur Warsame oo labaduba ka mid ah dadka shahaada PhD is qoray, arday, aqoonyahano iyo xubno kale oo amaanay dedaalka ay muujiyeen Machadka SDRI iyo Jaamacada UPEACE, iyagoo ku booriyey iney sii xoojiyaan, waxayna munaasabadaas ku soo gebagebowday jawi aad u wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -