Wadahadalo Nairobi uga socday Madaxweynaha Jubbaland iyo Siyaasiyiin kasoo horjeeday oo …

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa sheegaya in guul iyo is afgarad uu kusoo dhamaaday wadahadalo maalmihii lasoo dhaafay magaaladaasi uga socday Madaxweynaha Jubbaland iyo Siyaasiyiin kasoo horjeeday dib u doorashadiisa.

Sida aan wararka ku helnay wadahadalada oo waqti badan qaatay ayaa magaalada Nairobi uga socday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta kala ah Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar.

Labadan siyaasi ayaa si weyn uga soo horjeeday dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe , waxa ayna dhankooda magaalada Kismaayo uga dhawaaqeen in Madaxweynayaal ka yihiin Jubbaland.

Wadahadalada magaalada Nairobi uga furmay Axmed Madoobe iyo siyaasiyiintan mucaaradka ku ahaa ayaa qeyb weyn waxaa ka qaadatay dowlada Kenya , waxaana ugu dambeyn dhinacyada kulmay isku afgarteen in khilaafka la dhameeyo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Xidig iyo Seeraar u tanaasuleen Madaxweynaha Jubbaland ee Axmed Madoobe, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan siyaasiyiintan uga dhawaaqaan Nairobi in ay la heshiiyeen Axmed Madoobe una tanaasuleen.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa horey sharci daro ugu tilmaantay dib u doorashadii Axmed Madoobe, lamana oga waxa ay soo kordhin karto hadii Siyaasiyiintii kasoo horjeeday Axmed Madoobe u tanaasulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -