Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Eritrea oo si kulul u beenisay Warar laga sii daayey warbaahinta Caalamka

Dowlada Eritrea ayaa beenisay inay heegan gelisay ciidamadeeda militeriga ayna yeertay ciidamadeeda keydka si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka socda woqooyiga Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in dalkiisa uu heegan geliyay oo kaliya ah tiro aad u yar oo kamid ah ciidamada keydka sababo la xiriira xoojinta amaanka Qaranka.

Wuxuu meesha ka saaray inay qoraneyso ciidamo hor leh si dalka deriska ay yihiin ee Itoobiya uga caawiso dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF.

Yemane Gebremeskel wuxuu sidoo kale sheegay in ciidan urursiga aysan wax xiriir ah la laheyn colaadda ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Warar soo baxay ayaa sheegay in Eritrea ay waddo abaabul ciidan kaasoo loogu yeeray ciidanka keydka, illaa da’da 55 jirka, si ay qeyb uga noqdaan ciidanka loo diyaarinayo dagaalka TPLF.

Eritrea ayaa si weyn ugu lug leh dagaalka ka socda woqooyiga Itoobiya ee u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF, waxayna ciidamada Eritrea taageero siinayaan ciidamada Itoobiya inkastoo Eritrea ay marar badan beenisay arrintaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halkan ka Akhriso : Bayaan Culimada Soomaaliyeed kasoo saareen Khilaafka Siyaasadeed

admin

Mucaaradka Somaliland oo War ka soo saaray muddo xileedka dhamaaday ee Muuse Biixi

Caydiid Ali

In ka badan 10 qof oo ku dhimatay iska horimaad & Wararkii ugu dambeeyay xiisada Dhuusamareeb

admin
Taboola Ads ---