Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey weerarada ay isku hayaan Israel iyo Iran

Iran ayaa xalay saqdii dhexe weerar labaad oo gantaallo ah ku qaaday gudaha Israa’iil, iyadoo ka jawaabaysa duqeymo ay xalay Israa’iil ka geysatay gudaha Tehran iyo magaalooyin kale

Digniinada ka dhanka weerarrada ayaa la shiday oo dadweynaha loo sheegay inaysan ka soo bixin goobaha gabbaadka.

Weerarkan gantaallo ah ayey waqti isku mid ah qaadeen Iran iyo Xuutiyiinta taasoo muujinaysa inay jireen bartilmaameedyo gaar ah, oo ay dooneysay Iran iyadoo aan lal kulmin wax carqalad ah inay gantaalladeeda gaaraan, taasoo laga tixraaci karo Xuutiyiinta oo ku horreyay inay gantaallo ku weerarraan Israa’iil, ujeeddada laga leeyahay ayaa ah in la mashquuliyo nidaamka difaaca.

Nidaamyada difaaca iyo raadarada digniinta bixiya ee Israa’iil ayaa la kulmay xalay caqabad ka dhigtay inaysan si sax ah u shaqeyn, sida uu ku warramay telefishinka Channel 13, iyadoo ay suuragal tahay in weerarrada Iran iyo Xuutiyiinta ay xalay ka geysteen gudaha Israa’iil uu ka horreeyay weerar Internet oo nidaamyada shaqadooda lagu joojiyay.

Gantaalaha Iran ayaa gaaray xaafadda Ramat Gan , oo ah halka ay ku yaalaan dhismayaasha dhaadheer ee Tel aviv, oo weerarradii xalay ka dhacay ay ka dhasheen in illaa hadda burburka dhismayaasha gaaray laga hoos raadinayo in ka badan 10 qof oo lagu la’yahay, sida uu weriyay wargeyska Israel Hayom.

Dhinaca kale, Waxaa badan suurtagalnimada isbeddel laga arki karo 48 saac ee soo socota xiisadda Iran iyo Israa’iil.

Sacuudiga waxaa ka socda dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo ay wadaan Faransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka oo doonaya in xiisadan la qaboojiya, halka Mareykanka uu hubkiisa ku soo daabulayo bariga dhexe, illaa Trump uu ku sheegay dagaal, in mararka qaar uu xal yahay!

Dhinaca Iran, waxay shuruud ka dhigtay in wax wadahadal ah aysan geli doonin illaa weerarrada ay Israa’iil joojiso.

Si cad Israa’iil iyo Mareykanka , waxaa ka go’an inay xaqiijiyaan hadafka ah Iran oo aan heysan nukliyeer, taasoo tilmaan ka bixin karta in waqti kale lagu jiri karo colaadan, oo walaac laga muujinayo inay gobolka ku fido.

Israaiill Waxay xalay weerartay xarunta nukliyeerka ee Natanz, Iran weerarkaas waxay ku tilmaamtay dambi ka dhan ah sharciga caalamiga ah, NPT’: Iran FM

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay in duqeymaha Israel ay ku qaaday xarunta Nukliyeerka ee Natanz ay ahaayeen dambi weyn marka loo eego sharciga caalamiga ah iyo heshiiska aan faafin (NPT).

Wakaaladda Wararka Mehr ayaa faafisay in Difaacyada cirka ee magaalada Isfahan ay waaberigii saaka qabteen gantaallo cadawtooyo ah oo ku soo wajahnaa xarunta nukliyeerka ee Natanz.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo saraakiil Pakistan ah ay sheegeen in Iran ka caawiyeen hanaanka difaaca goobaha muhiimka ah.

Related posts

Maxkamadeynta gabdho dilay aabahood oo dood weyn ka dhalisay dalka Ruushka (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo ka hadashay in ay qaabilayaan Qaxooti Afganistan laga soo daad gureeyay

Cabdi Cade

Nin Bajaajle ah oo lagu dilay Muqdisho iyo Askarigii dilay oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---