Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyaha Aqalka sare oo amray in la joojiyo Shir ka dhacaya Baydhabo iyo Khilaaf soo shaac baxay

Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhax galay Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , waxaana hada soo baxaya loolan xoogan oo u dhaxeeya labada Aqal.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhawaan iclaamiyay shir ka dhacaya magalaada Baydhabo, waxaana shirkan lagu casuumay  Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejinta ee dowlad goboleedyada.

Shirkan waxaa si xoogan uga soo horjeestay Gudoomiyaha Aqalka sare  Cabdi xaashi Cabdullaahi, waxa uuna soo saaray Warqad uu u kala diray Madaxda maamul goboleedyada uu ugu baaqay in shirkaasi la joojiyo.

Warqada uu Gudoomiyaha Aqalka sare u diray Madaxda maamul goboleedyada oo la ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu sheegay Shirka Baydhabo  mid lagu bur burinayo laguna kala dhantaalayo nidaamka federaalka.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Gudoomiyaha Aqalka Sare

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Ciidamada Xoogga oo Xukun adag ku riday Yuusuf Xassan Ibraahim

Caydiid Ali

Afhayeenkii Wasaaradda Difaaca oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Talyaaniga oo soo celiyay Dhagax taariikhi ah oo laga xaday dal Carbeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---