Dowlad ka tirsan Yurub oo Wasiirka arrimaha gudaha u dooratay nin Pakistani ah

Sajid Javid oo loo doortay Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK ka dib marki ay xilka iska casishay xoghayihii hore Amber Rudd’s

Mr Javid oo ka soo jeeda qoys Pakistani darawal ah wuxuu UK yimid 1960, wuxuuna ka soo shaqeeyey arrimaha bulshada, dowladda hoose iyo xoghayaha arimaha gudaha.

Ms.Rud ayaa iscasishay markii ay arrimaha dadka qaxootiga ah si xun uga hadashay oo ay ka hor yimaddeen qaar ka mid ah xildhibaannada dalkaas.

Iyadoo ay daba socotay mudaharaadyo toddobaadyo dhacayey oo looga soo horjeedo sida loola dhaqmay qoysaska Windrush laguna dhaleeceeyey siyaasadda dowldda.

Sajid Javid ayaa noqonaya masuulkii labaad ee ka soo jeeda qaarada Asia oo xil sare ka qabta dowlada Britain, waxaana horey Sadiq Khan oo ka soo jeeda dalka india loo doortay duqa magaalada London, xilkaasoo uu illaa hadda hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -