Axmed Madoobe oo ka soo horjeestay Maamul DF kaga dhawaaqday Gobolka Gedo

Maamulka Jubbaland ayaa eedeyn culus oo la xiriirta xaaladda gobolka Gedo u soo jeediyay madaxda dowladda federaalka, iyagoo cambaareeyey maamul DF kaga dhawaaqday gobolka Gedo.

“Dowlad goboleedka Jubbaland waxay ka xuntahay falalka sharci darrada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ka wado gobolka Gedo, kuwaasoo sababay khalkhal amni, jahawareer siyaasadeed iyo burbur bulsho,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay madaxweynaha Jubbaland oo u qornaa sidan Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -