Dadkii ugu tirada badnaa oo maanta Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus

Dowlada Somalia ayaa caawa shaacisay tirada dadkii ugu badnaa ee cudurka Coronavirus ugu geeriyootay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu sheegay in illaa 6 qof oo ka mid ahaa dadkii laga helay cudurka ay dhinteen 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Tirada guud ee dadka u dhintay cudurka guud ahaan Somalia ayaa hadda gaartay 13 qof marka laga daro dad caawa la shaaciyey iney u Geeriyoodeen cudurka.

Sidoo kale qoraalka Wasaarada ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay cudurka laga helay dad gaaraya 49 qof, waana tirada dadkii ugu badnaa ee maalin kaliya la shaaciyo iney qaadeen cudurka, iyadoo haatan tirada guud ee dadka laga helay cudurka ay gaartay 286 qof.

Cudurka Coronavirus oo oo markii hore si gaabis ah ku soo galay Muqdisho ayaa haatan u muuqda inuu sii karaar qaadanayo, marka la eego tirada maalin walba sii siyaadeysa ee ee laga helayo cudurkan khal khalka ku haya dunida oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -