Qof ka mid ahaa dad loo karantiilay cudurka COVID-19 oo ku geeriyooday Garoowe

Guddiga ka hortaga cudurka Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa sheegay in mid kamid ah dadkii ku jiray xarunta karantiilka uu geeriyooday, iyadoo aysan weli soo bixin natiijada baaritaankii laga qaaday.

Faahfaahin kama bixin guddiga qofka geeriyooday, balse waxay sheegeen in 9 qof oo cusub la galiyay xarunta karantiika Garowe ka dib markii laga shakiyey laguna arkay calaamadaha cudurka.

Waa qofkii labaad ee Garoowe ku dhinta isagoo ka mid ah dad loo karantiiay cudurkan, bishii la soo dhaafay ayeyna aheyd markii qof laga helay calaamadihii cudurka uu ku geeriyooday magaaladaas inkastoo aan la xaqiijin inuu qabay cudurka.

Dhinaca kale, Haykal Daahir Cumar oo ah bukaanka kaliya ee degaanada Puntland laga helay cudurka Covid19 gudaha Puntland , ayaa sheegay inuu xanuunka kasoo bogsanayo isla markaana uu filayo inuu maalmaha soo socda ka ka soo baxo isbitaalka.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxay baaritaanka dadka la karantiilay u dirtaa dalka Kenya, halkaasoo lagu soo xaqiijiyo dadka qaba cudurka iyo kuwa aanan laga helin.

Cudurka COVID-19 waxaa Muqdisho 24 saac gudahood ugu dhintay 6 qof, 49 kalena waa laga helay sida Wasaarada Caafimaadku ay shaacisay caawa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -