Hantiile qodanayay god uu ka galo hubka Nukliyeerka oo Dacwad lagu soo oogay

Dadka Hantida heesta ee kunool dalka Mareykanka ayaa qaarkood qotay godad waa weyn ee ugu tala galeen in ay uga bad baadaan halista hubka Nukliyeerka hadii dalkooda lagu soo weeraro.

Nin Haniile ah oo u dhashay dalka Mareykanka oo qodanayay god weyn uu uga bad baado hubka Nukliyeerka ayaa Dacwad lagu soo oogay kadib markii uu dhintay wiil dhalinyaro Madow ah oo ninkan godka u qodayay.

Daniel Beckwitt oo 27 jir ah ayaa bilaabay in uu gurigiisa ka qoto god uu ugu tala galay in uu gabaad ka dhigto, waxa uuna usoo kireestay in godkan u qodo Askia Khafra oo 21-sano jir ahaa.

Askia Khafra oo ahaa ninkii godka qodayay ayaa dhintay kadib markii uu dab ka kacay gudaha godkii uu qodayay, waxaana ninka godka loo qodayay lagu soo eedeeyay dacwado la xariira dayacaad uu ku sameeyay nafta bini’aadamka.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in markii dabka kacay uu ninkan guriga ka baxsaday, balse uu ka gaabiyay in kooxaha gargaarka deg dega ah uu u sheego in qof kale meesha ku xayiranyahay.

Mr. Daniels ayaa sidoo kale sameeyay isku day kasta oo suurtogal ah oo ninka dhintay ee u shaqayn jiray uuga kaga habaabinayo in uu aqoonsado halka uu guriga ku yaalo, isaga oo saacado gaariga ku marin jiray waddooyinka, kadibna guriga ka galin jiray meel uusan fahmi karin.

Dacwad oogayaasha kiiskan ayaa sheegay in ninka dhintay ka shaqayn jiray gudaha godka, halkaas oo uu wax ku cuni jiray, suulina ka gali jiray isaga oo aanan banaanka usoo bixin maalmo  .

Madaxweynaha dalka Mareykanka iyo dad kale oo badan una dhashay dalkaasi ayaa diyaarsaday godad waa weyn ay ka galaan hadii Weerar Nukliyeer ah dalkaasi lagu soo qaado, waxaana arintan bilaabatay kadib hanjabaadii Kuuriyada Waqooyi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -