Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo War ka soo saaray doorashadii maanta ka dhacday Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Guddigii Doorashada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in dhacdadani ay calaamad u tahay dimuqraadiyadda xoogeysaneysa ee ka jirta dalka.

“Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay, sidoo kale waxaan u hambalyeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka sharafta leh, iyo Shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha la doortay waxaan Alle uga rajeyn in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalkeennu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda, iyo hufnaanta, taas oo dalka horumar gaarsiineysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Hoggaamiyaha SSC iyo Waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Amnesty oo Warbixin ka soo saartay xaalada Suxufiyiinta Soomaalida

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo war ka soo saaray xiisada culus ee Israel iyo Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---