Amnesty oo Warbixin ka soo saartay xaalada Suxufiyiinta Soomaalida

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya la haysto, wajahayaan qaraxyo, garaac, weeraro iyo xarig.

Amnesty ayaa sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay halis ka wajahayaan dhinac kasta, sida weerarada kooxda Al-Shabaab iyo dowladda caalamku uu taageero ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa muddo ahayd mid ka mid ah dalalka ugu halista badan ee suxufiyiinta ay ka howl-galaan, iyagoo wajahayey laba halis oo kala ah kasoo waramida dagaallada, iyo sharciyo adag oo ay soo rogaan mas’uuliyiinta.

Hase yeeshee xaaladda ayaa iminka kasii dareysa, sida lagu sheegay warbixinta Amnesty oo cinwaan looga dhigay Waxaan ku noolnahay cabsi joogto ah.

Sida warbixinta ay tiri, ugu yaraan sideed suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo sanaddii 2017, ayada oo ugu yaraan sideeda kale ay dalka uga carareen cabsi ay u qabaan noloshooda.

“Ka bad-baadidda qaraxyo baabuur, in la toogto, la garaaco, loo xiro si sharci-darro ah, suxufiyiinta waxay ku shaqeynayaan xaalado argagax leh,” waxaa sidaas yiri Deprose Muchena, oo ah madaxa Amnesty ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Baraha Bulshada ee Soomaaliya, dad badan ayaa u adeegsada in ay ku faafiyaan fikradahooda, kuwaas oo aan laga sii baahin karin warbaahinta kale ee shuruucda leh.

Iyadoo taas ay meesha ku jirto, dad badan waxaa u fududaatay baahinta in warar is diidan, sida warbixinta ku xusan. “Maamulka waxay si dhow u turxaan bixiyaan doodahaas baraha bulshada ka dhacaya”.

Hay’adda Amnesty International waxay sheegeysaa in “dowladda ay sameysatay koox la socota baraha bulshada oo ku sugan xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, kuwaas oo sidoo kale la socda warbixinnada dowladda dhaliilaya”.

“Saxafiyiin iyo dadka dowladda dhaliila sida hoggamiyeyaasha mucaaradka ayaa la handadaa, la cabsigeliyaa laguna xadgudbaa taas oo madax dowladda ka tirsan ay kala kulmaan, waxaana taa sabab u ah xirfaddooda saxaafadeed ee baraha bulshada”, ayaa ku xusan, warbixinta maanta soo baxday ee Amnesty International.

“Waxaan ogaanay in ay jiraan weriyeyaal la dilay mudadii uu madaxweyne Farmaajo xilka hayay oo ay dileen Al Shabaab iyo askarta dowladda, in Dowladda Federaalka ay hor istaagtay in saxafiyiinta ay helaan maclumaad ku filan, xarig sharci darro ahna lagu la kacay” ayuu yiri Cabdullaahi Xassan oo ah cilmi baare ka tirsan hey’adda Amnesty International.

Sidoo kale kuwa Amnesty la hadlay waxay tilmaameen in “lagu xadgudbay lana handaday ka dib markii warar dowladda ka dhan ah ay ku baahiyeen barahooda bulshada”.

“Hal weriye ayaa amnesty International u sheegay in lagu qasbay inuu shaqadiisa ka tago ka dib markii siyaasi mucarad ah uu ku taageeray bartiisa shaqsi ee facebook,” sida ay hay’adda qortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -