Akhriso Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal 

Maxamed Mursal Sheekh waxa uu ku dhashay magaalladda Baydhabo ee gobolka Baay, sannadkii 1957-kii, Waxbarashada iskuulka waxa uu kusoo qaatay Dugsiga Sare Sheekh Aweys-Qeybta adabka ee Magaalada Baydhabo.

Sanadkii 2014 Jaamacadda Culuum iyo Tecknolojiyada ee  Sanca, ayuu ka diyaadiyey cilmiga Arrimaha bulshada, Halka culuumta Xiriirka caalamiga iyo dilbloosiyada ka dhigtay Jaamacad ku taalo dalka Uganda, Sidoo kale waxa  uu Shahaadooyin Diploma ah ka haystaa Teknoolajiyada Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha

Howlo u badan arimaha bulshada ayuu ka qabtay Magaalada Baydhabo, wuxuu gacan ka geysta Biyo-gelinta magaalladda Baydhabo iyo sidii Teknoolajiyadda Casriga loo gaarsiin lahaa Baydhaabo. waxyaabaha uu qabtay waxaa ka mid ahaa isaga oo aasaasay Wabiyow Community development association iyo Alqamar Tecknology Center oo markii ugu horeysana Technology-geliyay  dadka reer Baydhabana baray,  ku sameeyay dayactir biyo mareen-ka iyo tubooyinka  Baydhabo 2001kii, Masaajidyada uu biyo geliyay iyo arrimo kale.

Dhanga siyaasadda Sanadihii 1993-1995 waxa uu soo noqday Guddoomiye ku xigeen magaalada Baydhabo, 2009-kii Xildhibaan dowladdii TFG ayuu kamid ahaa isaga oo isla sanadkaasi xukuumaddii Cumar Cabdirashid ka noqday Wasiir hantida qaranka, Sanadkii 2012 Waxaa loo magacaabay Safiirka Turkiga, isaga oo wax badan ka qabtay dhismaha iyo qaabeynta safaaradda muddo 3 sano ayuu jagadaasi hayey. Mar kale 2015 Xukuumadda Cumar Cabdirashid ayaa loo magacaabay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha, November 2016-kii waxa uu ka mid noqday Xildhibaan golaha shacabka  federaalka ah,  26, November 2017 RW Xasan Cali Kheyre ayaa u magacaabay Xilka Wasiirka Difaaca ee XFS.

 

Waxaa Qoray: Maxamed Sheekh Yuusuf (Baari)

Agaasimaha Machadka Daraasaadka Aadanaha Soomaaliya (ISHUS)

Kala xiriir fariin danabeed Email: Baariga123@gmail.com

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -