Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Hoggaamiyaha SSC iyo Waxii ay kawada hadleen

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho uu ka maqnaa muddo labo bil ah ayaa xalay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay hoggaamiyaha SSC Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye.

Xasan Sheekh ayaana hoggaamiyaha Khaatumo ay wehliyaan masuuliyiin katirsan dowladda oo kasoo jeeda deegaannada Khaatumo kala hadlay xaalada deegaannadaasi ,gaar ahaan magaalada Laascaanood oo bilooyin dagaallo ka socdeen.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Firdhiye ayaa madaxweyne Xasan Sheekh warbixin ka siiyay xaalada deegaannada maamulka SSC , waxa uuna usoo bandhigay guulaha ay ka gaareen dagaalkii Somaliland iyo horumarada hadda ka socda deegaannada ay maamulaan.

Waxa uu hoggaamiyaha SSC u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in maamulkiisa ku yimid rabitaanka dadka deegaanka, waxa uuna ka codsaday madaxweynaha in dowladda taageerto maamulkooda ayna siiyaan waxa ay xaqa u leeyihiin.

Hoggaamiyaha SSC ayaa  Muqdisho ku yimid casuumad uu ka helay Ra’isul Wasaare Xamse Barre, waxa uuna hoggaamiyaha xaalada deegaannada uu ka arrimiyo kala hadlay madaxda dalka ugu sareysa, isagoona taageero u raadinaya maamulkiisa curdunka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tartanka Super League oo fashilmay kadib markii ay ka baxeen Kooxihii Ingiriiska

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo ka hadashay Dadaalada Nabadeed ee laga dhax wado Jabuuti iyo Eritrea

Cabdi Cade

Mareykanka oo si yaab leh uga hadlay dilka Ismacil Haniya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---