Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil Muqdisho loogu geestay nin dhaqtar ah

Dagaalyahano hubeean oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay xaafada Dabakaanyo Madow ee degmada Dharkeeley waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah oo xarun caafimaad ku lahaa xaafadaasi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dabley hubeesan xaruntiisa caafimaad ku dileen Dhaqtar dhalinyaro ah oo lagu magacaabo C/llaahi Yuusuf Suudaani oo xarun caafimaad ku lahaa xaafada Dabakaanyo Madow.

Ninkan dhalinyarada ah ee la dilay ayaa wax kusoo bartay jaamacad kutaala dalka Sudan, waxaana ninkan markii uu kusoo laabtay magaalada Muqdisho xarun caafumaad ka furtay degmada Dharkeenley.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilka loo geestay Dr Suudaani, waxa ayna Al Shabaab xuseen in ninkan ay dileen uu katirsanaa Nabad sugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa dhar cadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -