Ra’isul Wasaare Kheyre oo digniin adag u diray Ganacsatada Muqdisho

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay muuqaal Online ah kulan kula qaatay qaar kamid ah ganacsatada magaalada Muqdisho, waxa uuna kala hadlay xaalada Covid-19 iyo sidii looga hortagi lahaa in maciishada kor loo qaado.

Kheyre ayaa u sheegay Ganacsatada uu khadka Online-ka kulanka kula qaatay in dowlada canshuur dhaaf u sameesay ganacsatada sidaa owgeed dhankooda laga doonayo in ay bulshada hoos ugu dhigaan maciishada kana fogaadaan in kor loo qaado.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa digniin adag u diray ganacsatada iska indho tirta baaqa dowlada ee ku aadan in aan maciishada kor loo qaadin, waxa uuna cadeeyay in uu jiri doono isla xisaabtam.

Ganacsatada kulanka la qaatay Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa dhankooda soo dhaweeyay canshuur dhaafka ee dowladu u sameesay iyo baaqa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ee ku aadan in aan qaali laga dhigin maciishada quutul daruuriga ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -