Dowlada oo qorsheeneysa in ay xirto salaxyada lagu ciyaaro ee kuyaala Muqdisho

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhaqan galay bandow xiliga habeenkii ah dowlada kusoo rogtay magaalada Muqdisho, waxaana bandowgan loo soo rogay si loo yareeyo faafida caabuqa Caronavirus.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey u joojisay ciyaarihii kubada cagta ee lagu ciyaari jiray garoomada waa weyn ee Muqdisho, hasa ahaatee waxaa wali furan garoomada salaxa ee kuyaala xaafadaha Muqdisho.

Garoomada salaxa ee kuyaala Muqdisho ayaa ah goobo ay inta badan isku mashquuliyaan dhalinyarada kuna ciyaaraan sidoo kale ku daawadaan cayaaraha , waxaana saacad walbo salaxyadaasi ku ciyaara dhalinyaro badan oo koox koox ah.

Dowlada ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay ku xirto salaxyada kuyaala magaalada Muqdisho si looga hortaho faafifa Caronavirus, waxa ayna dowlada ka fekereysaa sidii salaxyada loo xiri lahaa si aysan dadku isugu imaan uguna faafin Carona.

Xalay magaalada Muqdisho oo bandow ka jiray ayaa hada waxaa xusid mudan waxaa inta badan furnaa salaxyada lagu ciyaaro banooniga ee kuyaala xaafadaha Muqdisho halkaas oo inta badan isugu tageen dhalinyarada uu bandowga magaalada saameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -