Digniin Adag oo loo diray Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar

Maamulka Jubbaland ayaa digniin adag u diray Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Siyaasiga Cabdinaasir Seeraar oo labaduba sheegtay in ay yihiin Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar ay khalalaaso iyo amaan daro ka wadaan magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in maamulka Jubbaland u dulqaadanayeen labadan siyaasi mudo lix bilood ah, waxa uuna tilmaamay Wasiirka Warfaafinta Jubbaland in markan uu ka dhamaaday dulqaadka ayna uga digayaan in mar kale khalalaase sameeyaan.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in labadan siyaasi ee ku sugan magaalada Kismaayo u adeegayaan dowlada federaalka Soomaaliya oo hada khilaaf kala dhaxeeyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Warkan kasoo kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadaya xili shalay magaalada Kismaayo dagaal kooban ku dhax maray ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamo kale oo taabacsan siyaasiga C/Naasir Seeraar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -