Shirkada Somtel oo soo bandhigtay adeeg cusub oo loogu magac daray Subcis

Shirkada Isgaarsiinta Somtel Ayaa Soo Bandhigtay Adeeg Cusub Oo Loogu Magac Daray “ SUBCIS”

Adeega Subcis Ayaa Ah Adeeg Loogu Talagalay Bulshada Soomaaliyeed Ee Uu Saameynta Taban Ku Yeeshay Caabuqa Covid19.

Maadaama Sedexdii Todobad Ee La Soo Dhaafay Dugsiyada Quraanka La Fasaxay Si Loo Yareeyo Xaddiga Faafitaanka Cudurka Carona Virus Iyo Duruufaha Jira Oo Isbiirsaday Owgood, Shirkada Isgaarsiinta Somtel Iyadoo Ka Jawaabeeysa Rabitaanka Dadweynaha & Codsiyada Uga Yimid Bulshada Soomaaliyeed Misna U Damqaneeysa Caruurta Soomaaliyeed Waxa Ay Usoo Kordhisay Adeegga “SUBCIS

Shirkada Isgaarsiinta Somtel Ayaa Ah Shirkaddii Isgaarsiineed Ee Ugu Horeysay Ee Ka Jawaabta Baahida Dhallaanka Soomaaliyeed.

Adeegga “SUBCIS”Waa Adeeg Lagu Dhiiragelinaayo Macallimiinta Dugsiyada Quraanka & Ardayda Dugsileyda Ah Si Uuna Hakad U Galin Oo Ay U Sii Wataan Barashada Quraanka Kariimka.

Adeegga “SUBCIS” Waa Adeegg U Sahlaya Macaliinta Inay Quraanka Ardada U Meeriyaan Iyagoo Guryahooda Joogo.

Shirkada Isgaarsiinta Somtel Oo Dabooleeysa Hakkadka Ku Yimid Duruusta Quraanka Oo Ay Ardada Maalin Waliba Qaadan Jireen, Waxay U Fududeeysay In Iyagoo Guryahooda Joogo Ay Meersadaan Casharadooda Iyagoo Adeegsanaya Taleefoonka Somtel.

Waxaa Intaas U Dheer In Ardada & Macallimiinta Ay Ku Subcin Karaan Casharadii La Soo Dhaafay Iyagoo Adeegsanaya Simcard-Ka Somtel.

Shirkada Isgarsiinta Somtel Ayaa Horay Loogu Bartay Inay U Damqato Bulshada Intooda Jilicsan Kuwaasoo Xaq U Leh Inay Helaan Adeegg Isgaarsiineed Oo Aad U Qiimo Jaban Daboolayana Baahidooda Isgaarsiineed ( Voice & Internet) Intaba.

Ma Ahan Markii Ugu Horeysay Ee Shirkada Isgaarsiinta Somtel La Wadaagto Umada Soomaaliyeed Adeeg Cusub Oo Waxtar U Leh Misna Ay Kuwada Diirsadeen Bulsha Waynta Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -