(Akhriso) Puntland oo go’aan ka soo saartay Imtixaanka dugsiyada Sare ee sanadkan

Maamulka Puntland ayaa joojiyay Imtixaankii dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee la qaadi lahaa sanadkan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaarada waxbarashada maamulkaasi.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in ardayda loo qiimaynayo natiijada imtixaankii hore ay keensadeen.

Guud ahaan Wasaarada Waxbarashada Puntland waxay ku dhawaaqday in xili-waxbarasheedkan uu sidaas ku soo gabagaboobay.

Dhanka Dhaqaalaha waalidiinta ayaa la faray inay bixiyaan mushaharaadkii macalimiinta maadama ay ilaa iyo 10/5/2020 ay shaqada ku jirayaan.

Ugu danbayn Wasaarada waxay sheegtay in Fasalada 12aad iyo 8aad ay sidii balanta hore ahayd ay imtixaanka u galayaan haddeysan duruufo kale imaan.

Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale wasaarada waxbarashada DF ay qaadatay go’aan kan la mid ah sababo la xiriira cudurka Coronavirus ee caalamka ku sii faafaya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA PUNTLAND

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -