Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xaaf oo xilka hogaanka Galmudug si rasmi ag ugu wareejiyey Madaxweyne Qoorqoor (Sawirro)

Xaflad xilka ay kula kala wareegayeen Madaxweynaha cusub Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Madaxweynihii hore Axmed Ducaale Geele (Xaaf) ayaa caawa lagu qabtay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Waxaa munasabadaas ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee baarlamanka Somalia, masuuliyiin kala duwan iyo qeybaha bulshada.

Xaaf ayaa goobta ay ka dhaceysay Xafladda ka sheegay in uu tanaasulay isla markaana uu la shaqeyn doono Madaxweyne Qoor Qoor iyo maamulkiisa, isagoo alle uga baryey inuu xilkiisa la garab galo.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Madaxweyne Xaaf uga mahadceliyay sida uu maamulka ugu soo adeegay, iyo tanaasulka uu muujiyey oo uu sheegay inuu yahay mid taariikhda galay oo lama iloobaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka biyo diiday in uu dib u celiyo Baasaboorka Mareykanka

Cabdi Cade

Mucaaradka Somaliland oo War ka soo saaray muddo xileedka dhamaaday ee Muuse Biixi

Caydiid Ali

(Sawirro) Al-Shabaab oo laga saaray degaano Sh/hoose ka tirsan, lagana burburiyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---