Wasaaradda Caafimaadka oo caawa shaacisay dad cusub oo laga helay COVID-19

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, oo ka war bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19, ayaa xaqiijisay in maanta uu Isbitaalka De Martino ku geeriyooday Allaha u naxariistee wasiiru dowlihii cadaalada Ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Xildhibaan Khaliif Muumin Xaayoow.

Allaha u naxariistee Marxuum Khaliif Muumin Xaayoow oo da’diisu ahayd 63 jir ayaa isbitaalka la jiifiyay April 09, 2020, si xaaladdiisa caafimaad wax looga qabto.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale xaqiijiyay in baaritaan la sameeyay lagu caddeeyay in cudurka Corona uu soo ritay 4 qof ku nool maagaaalada Muqdisho, taas oo 25 ruux ka dhigaysa tirada guud ee dadka cudurku ku heleelay gudaha dalka.

Wasaaradda Caafimaadku waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka cudurada daba dheeraada qaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -