Madaxweyne Farmaajo oo ka biyo diiday in uu dib u celiyo Baasaboorka Mareykanka

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa heesta labo dhalasho oo kala ah Soomaali iyo Mareykan, waxa uuna Madaxweynaha horey uga biyo diiday in uu ka tanaasulo dhalashada Mareykanka.

Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya horeyna usoo noqday Agaasimihii Madaxtooyada xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo loo soo bandhigay in uu dib u celiyo Baasaboorka Mareykanka.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Madaxweyne Farmaajo ku adkeestay in uusan dib u celin baasaboorka Mareykanka uu heesto, waxa uuna xusay in qofka heesta baasaboorka Mareykanka dal ajnabi ah ka shaqeyn karo  balse ay jiraan waxyaabo u baahan ogolaansho

Xildhibaan Cali Balcad ayaa xusay in ay jiraan nidaamyo qabanaya dadka heesta dhalashada dalka Mareykanka ee dal kale ka qabta xilal sida Milatariga iyo xilal kale waa weyn uu ku jiro xilka Madaxweyne.

“Madaxweyne Farmaajo markii la doortay, waxyaabaha lagala hadlay ayay ka mid tahay, haddii uu sii heysto Jinsiyaddiisa faa’idada iyo dhibaatada u leedahay, haddii uu iska celiyo faa’idada iyo dhibaatada ay leedahay, si toos ah ayuu Mareykanka ugala hadlay, Madaxweyne Farmaajo wuxuu doortay inuu baasaboorka sii heysto”ayuu yiri Xildhibaan Cali Balcad.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu yahay Madaxweynaha kaliya ee heesta dhalashada dalka Mareykanka oo xil sare dal kale ka haya, waxa uuna xusay in madax badan ay horey isaga celiyeen baasaboorka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay aan booqan dalka uu dhalashadiisa heesto ee Mareykanka, waxaana la sheegay in Madaxweynaha hadii uu dalkaasi tago uusan heleyn xasaanad lana mid yahay dadka caadiga ah .

- Advertisement -