Galmudug oo ka hadashay Sharuudo la sheegay in ay ku xirtay Shirka ka dhacaya Xalane

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay warar ku saabsan in maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Gakbeed shuruudo ku xireen ka qeyb galka shirka la filayo in uu dhax maro dowlada federaalka iyo kuwa dowlada Goboleedyada.

Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in ay kasoo horjeesteen in shirka arimaha doorashada looga hadlayo uu ka dhaco teendhada Afisiyooni ee ku dhaw xerada Xalane sidoo kale shirkaasi ay dhax dhaxaadiso beesha Caalamka.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle , ayaa sheegay in maamul ahaan doonayaan in shirka noqdo mid Soomaali kaliya u dhaxeeya oon lasoo dhax galin, waxa uuna xusay in ay rabaan in shirka marti galiso DF ama maamul goboleed kale.

“Galmudug waxay ka aaminsantahay shirarka Soomaalida, khilaaf-yadeyda iyo howlaheeda inay iyadu xalisato, sida aad ogtihiin shirarkii ugu badnaa ee doorashada Galmudug ayaa lagu qabtay, waxna waa lagu heshiiyey, waxna waa weli, marka Soomaalidu khilaafkeeda inay iyadu xalisataa loo baahan yahay, mar kastana isku filnaashaha Soomaaliya ayaan u taaganahay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Falagle.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa shuruud ka dhigay in shirka lagu qabto xarunta Xakane ayna goobjoog ka ahaadaan Beesha Caalamka, waxaana taasi kasoo horjeeda maamulada taabacsan DF sida Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -