Allbanaadir.com
NEWS

Madaxdii hore ee federaalka oo lagu eedeeyey iney laaluush ka qaadan jireen Shirkadaha Xajka

Wasiirka Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland ayaa Xukuumadihii Federaalka ee soo maray Somalia ku eedeeyay  inay musuq maasuq baahsan ka sameeyeen arrimaha Xajka  isagoo sheegay inay laaluush ka qaadan jireen shirkadaha duullimaadyada ee lacagaha badan ku soo rogay Xujeyda Soomaaliyeed.

Xukuumadda xiligan talada heysa ee dowladda federaalka ayuu ugu baaqay inay dhibaatadaas wax ka qabato, maadaama ay horay u ballan qaadday la-dagaallanka musuq maasuqa dalka ragaadiyay.

“Umadda Soomaaliyeed waxay sugayaan in xajka qiimo u qalma loo keeno, adeeg u qalma loo keeno, loo dhimriyo loo dadaalo, si ka turjumaysa wakiillo u shaqeeya umadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri Wasiir Saalax Xabiib.

Wasiirka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka ay iska soo diiwaan-geliyaan, Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland, isagoo caddeeyay in Puntland aysan ka hawl-geli doonin shirkad aan ka diiwaan-geshaneyn Wasaaradiisa.

Dadweynaha reer Puntland ayuu amar ku siiyay wasiirku inaysan xajka u raacin, shirkad aanay u fasixin Wasaaradda Caddaaladda dowladda Puntland ”Umadda reer Puntland waxaan leeyahay Wasaaraddu ciddii ay idiin soo fasaxdo inaad raacdaan baad raacaysaan”,ayuu yiri Wasiir Saalax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Filippo Grandi iyo Xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Mahdi Guuleed oo Heshiis rasmi ah gaaray (Akhriso)

Cabdi Cade

Markab Dagaal oo Mareykanka leeyahay oo Madaafiic badan ku riday Dooman Iran leedahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---