Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Mahdi Guuleed oo Heshiis rasmi ah gaaray (Akhriso)

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Raisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa ka heshiiyay khilaafkii u dhaxeeyay Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ay kala hogaaminayeen.

Qoraal wadajir ah ay soo saareen labada garab ayey ku sheegeen in ay ka heshiiyeen khilaafkii labada garab u dhaxeeyay sidoo kale xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi.

Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Raisul Wasaare kuxigeenka dalka in lasoo afjaro is kooxeesigii u dhaxeeyay Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi si deg deg ah loo guda galo Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Related posts

DF oo la wareegtay warbaahino ay laheyd Al-Shabaab

Caydiid Ali

Laftagareen oo ereyo kulul ku weeraray Raisul wasaare Rooble (Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia iyo Kenya oo isku raacay dib u howlgelinta danjirayaashooda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---