Ma ogtahay Sababta Soomaaliya looga eexday ee Koobka loo siiyey Xulka Tanzania? (Daawo Sawirro)

Xulka kubadda Cagta ee 17 jirada Soomaaliya ayaa wacdaro ka dhigey markii u horeeysay taariikhda Tartanka 17-jirada ee Cecafa, kadib markii ay so dubteen xulal waaweyn oo koobka horey ugu soo guuleystay.

Somalia ayaa groupka ay kujirtey si awod ah kaga soo gudubtey iyagoo la yimid 7 dhibic oo ka kala qaateen Ethiopia,Burundi,Kenya, sidoo kale waxay Nus dhamaadka ku reebeen xulka awooda badan ee gobolka ee Uganda oo ay tartanka ka ciritireen, waxaana Xulka dalkeena kulankii kama danbeeysta ay isku beegmeen xulka Tanzania.

Dalka Kenya ayaa ah wadanka xooga ku leh gobolka ee Cecafa marka ay timaado tartamada Heer kooxo iyo Qaranba, sababtoo ah, waxaa Hey’adda iska maamula sanado aad u badan Nicolas Misonya oo Kenya u dhashey waana ninka ugu awooda badan dalalka gobolka ee kubadda cagta.

Waxaa xusid mudam in dalka Kenya iyo dalkeena Soomaaliya aysan isku wanaagsaneyn siyaasadda Kubada cagta oo dhowr jeer ayey masuuliyinta isku dheceen weliba marka ay timaado Congreyada waxaa ay u kala codeeyaan labo dhinac ama labo group iyo doorashooyinka.

Sidaa darteed Xulka Kenya iney kaalinta labaad kaga soo gudbaan Groupka, waxaa sabab u ah xulkeena Soomalaiya oo 1-0 kusoo dubtay, Nicolas Musonye ayaa isagoo ka duulaya sidii dalkiisa ugu qancin lahaa, waxaa uu garsoor kaso dhigey garsoore Kenyan ah si sheekada ugu fududaato, oo Somalia koobka ku weeyso weliba Musonye waxaa uu diidey Galabta soo jeedinta guddiga tartanka ee ahayd in dib loo dhigo ciyaarta madama garoonka Biyo dhigey Roobkii da’ay.

waxaad Arkeyseen qaladaadka uu garsooruhu ku sameeynayey Xulka dalkeena Soomaaliya oo Penalty ka diidey bilowgii, gool caadi ahna madaxa lagu dhaliyey ka dhigey waxba kama jiraan, qaladaad iyos eeri joogto ah ayuuna ku waabsadey ciyaartoydeena.

Si kastaba ha ahaatee Ujeedada u lahaa waa uu gaaray Xoghaye Nicolas Musonye oo dalka ay Coltamaan ee Somalia Koobkii tartanka seejiyey oo u Gacan geliyey Tanzania, waxaase sharaf iyo wanaag u ah xulka dalkeena heerka ay soo tiigsadeen iyo dadaalka farsamada ay kusoo bandhigeen tartanka taasi oo ay mahad celintooda leeyihiin X.S.K.C, tababarayaasha iyo Bulshada Somalaiyeed ee taageere Niyad wanaag u muujiyey sanadkan Xulkooda Guuleysta.

W/Q: C/Xafiid C/Samad Zaciimka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -