Ciidamada Danab oo lagu amray in Nolol ama geeri ku keenaan dadkii ka dambeeyay …

Ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa la geeyay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose si ay u joojiyaan colaad u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed oo wada dega degmadaasi.

Waxaa sidoo kale degmada Wanlaweyn gaaray Gudoomiyaha Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida iyo saraakiil kale, kuwaa oo u tagay degmadaasi sidii talaabo looga qaadi lahaa dadka hurinaya colaada taagan.

Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Ciidamada & Saraakiisha DANAB ay amar u qabaan inay Nolol ama geeri ku keenaan dadkii ka dambeeyey dhibaatadii iyo tacadiyadii  ka dhacay degmada Wanlaweyn.

“Ciidamada Danab waxaan amarnay in ay tallaabo ka qaadaan dadka ku lugta leh dagaal beeleedyada dhacdooyinka naxdinta leh laga dhaxday, waxaan sidoo kale amarnay in Nolol ama Geeri ay kusoo qabtaan Shaqsiyaadka dhibaatada wada, xitaa waxaa uu amarkaan taabanaa dadka difaacaya” ayuu yiri Guddoomiye Shuute.

Dagaal beeleedka ka socda degmada Wanlaweyn ayaa laga dhaxlay dhacdooyin dad badan ka argagxeen sida in dab la qabadsiiyay dad la dilay iyo sidoo kale tacadiyo kale oo aad u argagax badan.

- Advertisement -