Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay Shirweynaha uu Cali Guudlaawe ka furay Magaalada Jowhar? (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta Jowhar ka furay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta.

Shirka waxaa kale oo goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) labada gole ee Dowladda, Guddoomiyayaasha goballada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, hoggaanka degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.

4-cisho ayuu socon doonaa shirweynaha waxaana diirada lagu saari doonaa mudadaasi hannaanka shaqo ee goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle.

Sidoo kale waxa ay is-dhaafsan doonaan doodo ku aadan qaababka ay u shaqeeyaan waxana ay wadaagi doonaan waayo-aragnimadooda.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa furay shirka waxana uu ugu baaqay dhammaan ka qeyb galayaasha inay kala tagaan madasha aqoon ay deegaanadooda ku beddeli karaan

“7-sanno oo ay dhisan tahay Hirshabeelle waa shirkii ugu weynaa oo ay Dowlad goboleedka Hirshabeelle u dhan tahay waana farxad weyn, waqtiga aad halkan joogtaan waxaad ogaan doonta halka uu hiigsigeena runta uu yahay.”ayuu yiri cali Guudlaawe

Related posts

Axmed Madoobe oo War ka soo saaray Go’aankii ka soo baxay Guddiga doorashada

Caydiid Ali

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Khartuum oo farriin loo diray

Cabdi Cade

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Kulankii Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade