Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ku fatahay Wabiga Shabelle, waxaana Fatahaada Wabiga sameeyay ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho, bur bur iyo barakac.
Inta badan dadkii kunoolaa magaalada Baladweyne ayaa saameyn xoogan waxaa ku yeeshay fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabelle, waxaana magaalada ka baracaya dadkii kunoolaa.
Fatahaada uu geestay Wabiga Shabelle waxaa ka dhalatay dhacdo argagax leh dad badana ka naxeen , kadib markii qoys ka koobnaa lix qof oo ka baxsanayay Fatahaada ay ku geeriyoodeen Baladweyne.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in lix ruux oo isku qoys ahaa ku dhinteen magaalada Baladweyne kadib markii gaari ay uga baxsanayeen fatahaahada uu ku dumay Boosaneer sidaasna ugu aasmeen.
” Baladweyne dhibaato ayaa ka taagan, waxaa hada noola soo sheegay in lix qof oo isku qoys ahaa gaari ay saarnaayeen boosaneer la dumay kuna aasmeen dadkii iyo gaarigii sidaasna ku dhinteen dadkii gaarigaasi saarnaa” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha gar gaarka in si deg deg ah loogu gurmado dadka ka barakacay magaalada Baladweyne iyo kuwa wali ku go’doonsan qeybo kamid ah magaaladaasi.
Fatahaada uu Wabiga Shabelle ka geestay magaalada Baladweyne waxaa ku barakacay dad ka badan 150-kun oo qof sida uu sheegay Madaxweynaha Hirshabrlle, dadka barakacay ayaana dhibaatooyin kala duwan ku heesataa duleedka magaalada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ