Allbanaadir.com
NEWS

Qarax gaari lagu xiray oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax gaari lagu xiray uu ka dhacay xaafada Ceel Hindi ee Degmada Howl-Wadaag.

Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa xiliga uu qarxayay waxa uu yaalay guri hortiisa mana jirin cid xiligaasi ku dhax jirtay gaarigaasi sida uu noo xaqiijiyay goob jooge degan xaafada uu qaraxu ka dhacay.

Ninka la doonayay in qaraxa lagu dilo ayaa ka bad baaday isku daygaasi, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay soo gaaray baaritaanana ka bilaabay ciidamo katirsan booliiska iyo Nabad sugida.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca Muqdisho saacado gudahood, waxaana shalay qaraxan oo kale uu ka dhacay Degmada Waabari waxaana qaraxaasi ka bad baaday isna sargaal katirsan Shaqaalaga Garoonka Aadan Cadde oo la doonayay in lagu dilo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Wasiir xilka iska casilay kaddib hadal heyn ka dhalatay Jaceylkiisi hore uu …

Cabdi Cade

Dilal caawa ka dhacay Muqdisho iyo Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilalkaasi

Cabdi Cade

RW Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo safar dhulka ah ku tagay Caabudwaaq (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---